Qorshaha soo socda:- dhulbahante iyo warsangali waa somaliland, somaliland waa soomaaliya. | warar sugan

Apr 14, 2013 –

Number of View: 1225

Madax-dhaqameedkii Dhulbahante Iyo Laascaanood 2005

Haddaad tahay Dhulbahante adiga oo aan dhameyn qoraalkan dheer moojaane haka boodin, haddaad tahay Isaaqna adiga oo aan akhriyin qoraalkan maahaane haka boodin.

 
Oktoobar Sanadkii 2004 xilligii uu Cabdilaahu Yuusuf ilaahay haw naxariistee ku guulaytstay madaxweynaha Soomaaliya ee ku meel gaadh ka ah, ayaa waxa uu aad u danaynayey sidii uu dhamaan ummadda Soomaaliyeed ugu noqon lahaa madaxweyne, Puntland waa goobtuu ka soo jeeday oo garab ayuu ka haystay , Koonfurta Soomaaliyana dawladiisaaba saldhigatay oo Jowhar xarun ka samaystay kumeel gaadh ah.

 
Waxa uu aad u danaynayey Cabdilaahi Yuusuf sidii uu u soo gacan galin lahaa maamulka lamagac baxay Somaliland, oo uu u arkayey xubin goob halbowle ah kaga taala jamhuuriyadda Soomaaliya oo iyada la’aanteed jibbadii madaxtinnimada ee loo halgamay marna aysan wax dhamaystiran noqonayn.
Waxaana xilligaas ahaa madaxweynaha Puntland Maxamed Cabdi Xaashi, hasa yeeshee waxaa jiray heshiis dhexmaray jabhaddii Cadde Muuse uu hogaaminayey iyo Cabdilaahi Yuusuf, marna ahaa heshiis Maxamuud Saleebaanaysan, oo labada dhinac ku gaadheen in doorashada soo socota haddii Cabdilaahi Yuusuf madaxwene ka noqodo Soomaaliya , Cadde Muuse-na madaxweyne Punland loo qorsheeyo, heshiis kaasi wuxuu ahaa mid qalinka lagu duugay, xataa taasi waxay dhalisay xilligii ololaha doorashada Puntland lagu jiray 2004 dabayaaqadiisii in uu Cadde ku hanjabo haddaana madaxweyne sanadkan lay dooran in dagaal qarxayo.

 
Caqabada markaasi hor-taagnayd Cadde Muuse iyo Cabdilaahu Yuusuf waxay ahayd Maxmed Cabdi Xaashi oo isagu damacweyn muujiyey, hunguriyeeyena sidii uu madaxweyne uga noqon lahaa Puntland, isaga oo xilligaas ugu maahmaahi jiray haddii aad hore u odhan jirteen wixii badda iyo bannaanka boqorkaa leh, hadda tii jirimayso ee Majeerteenow haddaad madaxweyne ka noqoteen Soomaaliya, annaguna haddaanu nahay Dhulbahante waa in aanu madaxweynaha Puntland noqonaa, waayo suurta gal maaha in aad halkaana madaxweyne ka ahaataan halkanna madaxweyne, Maxmed Cabdi Xaashi isaga oo halkaas wax ka eegaya ayuu si xoogweyn oo ay ku jirto kalsooni u galay tartankii doorashada madaxweynaha , hasa yeeshee olole balaadhan oo ay qaadeen rag badan oo markaas la shaqaynayey qorshaha Cabdilaahi Yuusuf ee qarsoonaa ayaa waxa doorashadii madax-tinnimada ee Puntland ku soo baxay Cadde Muuse iyo Xasan Daahir Afqudhac ilaahay haw naxariistee.

 
Isla xilligii Cadde Muuse soo baxay waxaa la bilaabay qorshihii qarsoonaa ee uu doonayey Cabdilaahi Yuusuf in uu ku dhaqaaqo kaas oo salka ku hayey sidii wadahadal loola gali lahaa maamulka Hargeysa, waxaana xilligaas uu maamulka Cadde Muuse bilaabay in ciidankii jiida joogay ee difaaca u ahaa Laascaanood si aan la dareemin looga qaado , looguna diro Cabdilaahi Yuusuf , xilli danbe oo xeedho iyo fandhaal kala dhaceena ayaa askartii deegaanka qaar badani diideen in ay ka tagaan goobaha difaaca.

 
Dhinicii ugu haboonaa ee markaasi laga gali karayey qorshe wada-hadal lagu furo waxa uu ahaa in in Itoobiya dhexdhexaadintaas ay xarun u noqoto, isla markaana labada dhinac u kala dabqaado, arrimaha ugu waaweynaa ee caqabada ku ahaa Cabdilaahi Yuusuf waxaa ay noqodeen beelaha Dhulbahante iyo Warsangali oo iyagu ka mid ahaa kuwii ugu xamaasadda badnaa markii la dhisayey Puntland, isla markaana taageeray in Cabdilaahi Yuusuf noqdo madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland, rag goob joog ahaa xilligii Puntland la aasaayey waxay sheegeen in rag badan oo Reer Sool ahaa ku dhawaaqayeen adeer waanu garanaynaa madaxweynehee nagaga Dhakhsada , iyaga oo markaa u hanweynaa Cabdilaahi Yuusuf, ergadii SSC dhamaantood waxaxy ugu shubeen Cabdilaahi Yuusuf waxaana laga adkaaday Maxamed Abshir oo markaa la sharaxnaa Cabdilaahi Yuusuf.

 
Cabdilaahi Yuusuf markan kuwii isaga u ololaynayey ayaa ku noqday caqabad loo baahan yahay in mar hadii lagu gaadhay goobtii la rabay laga takhaluso oo layska leexiyo , markaana iyaga aanu yoolku ahayn ee hadafku yahay beelaha Isaaq iyo maamulka la magac baxay Somaliland, sidaasi daraadeedna la soo gaadhay xilligii la sadqayn lahaa Dhulbahnate iyo Warsangali(Kabshu Fidaa), oo lagu odhan lahaa ama la dareensiin lahaa carrabka qarsoon iyo maanka Cabdilaahi Yuusufna ay ka guuxayaan ( Walaalayaaal Dhulbahante iyo Warsangali waad mahadsan tihiin , sidii wanaagsanayd ee aad ii taageerteen, waana idiinka mahadcelinayaa raggii dhiigooda huray ee aad iigu deeqdeen, sidii aan madaxweyne u noqon lahaa haddaan ahay Cabdilaahi Yuusuf , hadeerna waxaan doonayaa in aad igu taageertan sidii aan madaxweyne ugu noqon lahaa Soomaali oo dhan, oo waxaan idinka codsado yeela, oo waa maxay, Somaliland ka mid noqda Dhulbahnate Iyo Warsangaliyoow ).

 
Sheekada sidaan u taala si loogu socodsiiyo Dhulbahante iyo Warsangali , waxaa lagama maarmaan noqotay in xubintii ugu saraysay Dhulbahante ee ku jirtay maamulka Puntland oo xilligaas ahaa Xasan Daahir Afqudhac ilaahay haw naxariistee dawlada Itoobiya loo tilmaamo in ay la kulanto, dhinaca Hargeysana labada xisbi ee ugu waaweyn lala kulmo xubno ka socda.

 
2005 ayaa dawladda Itoobiya waxay marti qaaday Ina Dhoola Yare oo ahaa wasiirka arrimaha dibada ee maamulka la magac baxay Somaliland, iyo Siilaanyo oo ahaa guddoomiyaha xisbiga Mucaardka maamulka Lamagac baxay Soomaaliland,.

 
Sida uu xilligaas Xassan Daahir Afqudhac ilaahay haw naxariistee uu ugu waramay Garaad ka mid ah garaadada Dhulbahante oo maanta nool, ka dib markii uu ka soo noqday shirkii Adis ababa, waxaa shirkaas layskula soo qaaday, qodobo ay ka mid ahaayeen si dawlada Soomaaliya iyo Maamulka la magac baxay Somaaliland u wada hadlaan waa in laba dhinacba Tanaasulaad sameeyaan, kuwaas oo ah,.

 
1.In Puntland ka hadho sheegashada gobolada Sool, Sanaag Iyo Cayn.

 
2. In ay Somaliland ka hadho gooni isu taaga ay ku adkaysanayso, wada xaajoodna lagashaa dawlada federaalka ku meel gaadhka ah.

 
Hasa yeeshee waxaa laysku mariwayey xilligaas cidda ku hor dhawaaqaysa , ma Puntland ayaa ku hor-dhawaaqaysa oo odhanaysa hadda laga bilaabo Sool , Sanaag Iyo Cayn shaqo kuma lihin ,waxayna ka tirsan yihiin Somaliland, mise Soomaaliland ayaa ku dhawaaqaysa in ay ka noqotay gooni goosadkii , miiska wadahadlkan soo fadhiisanaysa, in mar lagu wada dhawaaqana waa la diiday. xilligaas Laascaanood waxaa gacanta ku haysay Puntland.

 
Dawlada Cabdilaahi Yuusuf xilligaas waxay aad u jeclayd in Dhulbahante iyo Warsangali ilaahay amirkiis inta habeenkii la seexdo aroortii lagu soo tooso iyaga oo Hargeysa ka amarqaata, sababtuna waxay ahayd wuxuu aad u jeclaystay in caqabadaas oo waxweyn ka taraysa madaxweynnimada in ay jiif iyo joogba u diiday.

 
Arrimaha lagu xasuusto xilligaas waxaa ka mid ahaa, ee dawladii Cabdilahi Yuusuf ku qancinaysay maamulka Hargeysa iyada oo ka raja qabta in mar uun laysa soo horfadhiisto , wada hadal toosana la galo, in waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey Cali Maxmed Geedi loo diiday in ay Laascaanood gaadhaan , waftigii Cabdilaahi Yuusuf ee isna ka danbeeyey oo laba maalmood u dhaxaysay aan midkoodna soo booqan Laascaanood.

 
Wasiirkii warfaafinta ee xilligaas Cali Axmed Jamac Jangali oo la weydiiyey sababta waftiga balaadhan ee madaxweynaha iyo raysalwasaaruhu hogaaminayaan u Booqan waayeen Laascaanood, wuxuu ku jawaabay in aysan doonayn in ay ka cadhaysiiyaan maamulka Somaliland.

 
Madaxdii ugu saraysay ee dalkuna iyaga oo dhamaan booqday goobaha kale sida Garoowe, Gaalkacayo Iyo Boosaaso ayey dib  u noqdeen , waana tan hadda dhacday ee Raysal Wasaaraha Dawlada federaal Daacad Shire markii uu tagay Garoowe uu u gudbi kari waayey magaalooyinka Taleex iyo Buuhoodle oo labada ay ku sugan yihiin shacab Soomaaliyeed oo aad u taageersan midnnimada Soomaaliya , maalinkastana naftooda kuwaaya, safarkii Cabdilaahi Yuusuf uu xilligaas ku tagay Puntland ogow wuxuu ahaa mid uu ugu faanayey beelaha Koonfureed sababtoo ah waxaad ka garanaysay inta ay le’ekaayeen tiro ahaan , iyo sida loosoo dhaweeyey iyo kharashka ku baxay.

 
Inkasta oo aan hadda la weydiin Raysal wasaaraha Soomaliya Daacad Shire sababta uu u soo booqan waayey deegaanka Dhulbahante tuulana ha noqotee, xilligaas, Cabdilaahi Yuusuf iyo Cali Maxmed Geedi waxaa Baarlamaanka Puntland dhexdiisa kuweydiiyey Ibraahim Maxmuud Guure oo ahaa xildhibaan xilligaas, haddase ka mid ah maamulka Khaatumo , kana mid ahaa sadexdii xildhibaan ee Faroole lacagta adeegsaday sidii looga saari lahaa Baarlamaaka Puntland ka dib markii ay diideen siyaasadda Puntland ee kuwajahan deegaanka SSC.

 
Xogtan dheer waxay u tahay maqaalkan saldhig iyo xasuusin waayihii la soo maray sidaasi daraadeed ,Xilligaas Cabdilaa Yuusuf wuxuu ahaa oday waxbadan og waxbadana Dhulbahante iyo Isaaqba ku xeerinaya , haday noqoto xilliyadii ay Isaaqa(SNM) iyo Majeerteenku(SSDF) wada jabhadayn jireen, Dhulbahante iyo Warsangalina u og xilliyadii Puntland halkay ka qaadeen iyo garabkay-siiyeen , xataa Shiikh Shariif wuxuu ahaa nin waxbadan og taariikhda Soomaaliyana xog-ogaal u ah, mas’uuliyiin badan oo ka tirsan SSC iyo Khaatumo oo la kulmayna dareemeen sida uu u arko loolanka deegaanka Waqooyi, waxaadna ka dareemaysay waftigii la xulay si kastaba xaal ha noqdee marna kamuu reebin nin Dhulbahante ah dhinaca dawlada ,laakiin hadda waxaa dalkii majaraha u haya kooxda Damujadiid, oo la taliyaha madaxweynaha ay yihiin laba wiil oo reer Aw-xasan ah, iyo koox aan xogbadan hayn , taariikhda Soomaaliya iyo Taariikh Suudaan waxay badiyaan Taariikhda Suudaan, sababtoo ah intooda badan waxayna wax ku soo barteen Suudaan iyo Bakistaan, qaabka loo fekerayaa waa qaab aad uga duwan kuwii hore, oo Dhulbahantaha iyo Warsangaliga Dhalanteedka ku nool midna aanu u muuqan, oo waxwalba si fudud oo aan tixgelinba lahayn ugu talaabsanaya.

 
Waxaadna ka dareemaysaa hadalada Madaxweynaha dawlada federaalka ku meel gaadhka ah ee uu ka yidhaahdo gudaha iyo dibadaba, kuwaas oo ay ka mid yihiin hadalkii uu ka yidhi Manisota( qofkii wixii la soo dhaafay jeebka wali ku haysta , oo aan ilaawin , oo aan hadda bog cusub furin , mustaqbalkuna wuu dhaafi) taas oo dad badani u qaateen, hantidii taalay Muqdisho iyo guryihii iska ilaawa oo adeer Muqdisho sidan ay tahay ku liqa oo ku aqbila, sida maanta Soomaaliya tahayna Dhulbahnatow maadaama aadan lahayn awood aad ku soo dhacsatid dhulkaaga adeer dhalanteedka iska dhaaf oo Siilaanyo ayaanu kaala xisaabtamaynaa.

 
Waxaana tusaale cad kuugu filan , markii uu u hanbalyeeyey Maamulka Hargeysa doorashadii deegaanka , dadkii lagu dilay Xuddunna Dafiray.

 
Shaki kuma jiro in qaabkan uu wax u waddo Xasan Shiikh Culusow(Guurguurto) iyo Kooxdiisa kasmo-yar tahay mid khatar ku ah beesha Dhulbahante iyo Warsangali, waxaadna moodaa in labadan beelood xataa Dhidarka Dhalan-baabiga ahi, ee onkodku kiciyo dhabtii in ay dhulka ka sii jiraan, oo hadaysan taasi dhab ahayn maanta dhaba-naanooyin badani dhabankooda kumay dhaceen.

 
Waxaana maanta lagu jiraa casri ay yar tahay sida laysugu joojiyaa, qof walibana halkii uu joogay ayaa waagu ugu baryey , oo lagu leeyahay adeer dhibaatadii dhacday nin waliba waa wuxuu gacanta ku hayo oo ha ku xisaabtamo, sidaasna waxaa ugu sadroon Isaaq iyo Hawiye, inta kalena waa in ay la jaan qaadaan jamhuuriyadda Cusub.

 
Wadahadalkan maanta socdaana in kasta oo aanu Xasan Guurguurato lahayn awood uu ku qaato talaabooyin cul-culus, haddana tanaasulaadka ugu weyn ee uu bixin karaa waa in uu si fikir ahaan ah ugu qanco in Dhulbahnate Iyo Warsangali ka mid noqdaan Soomaaliland, Soomaaliland-na tanaasulaad ka bixiso gooni goosadka, hasa yeeshee lagu soo xero galiyo Afti laga qaado gobolada waqooyi 10 sanno ka dib , aftida inta la gaadhayana ku sii jiraan Jamhuuriyada Soomaaliya.

 
Haddaba arrimahan aan soo sheegnay yey dani ugu jirtaa, shaki kuma jiro in Dhulbahante iyo Warsangali oo lagu cadaadiyo in ay ka mid noqdaan Maamulka Soomaaliland si buuxda ay tahay tan ugu fudud ee lagu dhaqaaqi karo maadaama ilaa maanta Dhulbahante aysan dhamac raaseed u ridin sidii ay dhulkooda ka maqan u soo dhacsan lahaayeen, oo maadaama oo aanu Dhulbahante ku sugnayn Laascaanood awoodiisa siyaasadeed waa kala dhantaalan tahay, sidaasi daraadeedana qodobadan aynu soo xusnay ku biyo shuban doonaan wadaxaajoodka socdaa.

 
Dani uguma jirto Dhulbahante iyo Warsangali wadaxaajoodkan xilligan socdaa, ilaa ay diriraan oo ay dhulkooda soo dhacsadaan , dhinacoodana la soo eegimaayo, waxaana jamhuuriyadda Cusub ee Soomaaliya Gadhwadeen ka noqonaya Isaaq, Iyo Hawiye.

 
Haddii aan soo koobno maqaalkeenan dheer waxaan ku soo afmeerayaa qodaba la saadaalinayo in ay wada xaajoodkani ku soo gab-gaboobaan
1.Dhulbahante Iyo Warsangali Oo Somaliland si buuxada loogu cadaadiyo in ay uga midnoqdaan.

 
2.Maamulka la magac baxay Somaliland oo lagu qasbo in ay dawlada federaalka ka mid noqdaan 10ka sanno ee soo socda, ka dibna afti laga qaado shantii gobol ee Somaliland laysku odhan jiray,.
Waa qodobada hubaasha ah in ay ka guuxayaan maskaxda Guurguurtee, Dhulbahnate iyo Warsangaliyoow maxaydin la Gola tagi.
Somalifuture.com
[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *